Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maanta shalay ma’ahan.!!

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maanta shalay ma’ahan.!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay Xoghayaha Guud ee Q.M in Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom in aan Soomaaliya laga rabinΒ  isla markaana uusan ka shaqayn karin.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Go’aankan uu ka danbeeyay kadib markii Haysom uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

Sida ay qabaan shuruucda Caalamiga ah waxaa waajib ku ah Danjirayaasha inay xushmeeyaan sharciga iyo nidaamka dalka loo diray, waxaa kale oo waajib ku ah inaysan faragalin arrimaha gudaha ee dalka uu joogo.

Heshiiska Jineefa “Geneva Convention” Qodobka 3-aad farqadiisa B, ayaa qoraya in wakiil walba ay waajib ku tahay inuu u hoggaansamo oo kaliya inta uu u ogalyahay qaanuunka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ma eryi kartaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.?

Sida uu qorayo Qododka 9-aad ee heshiiska Jineefa “Geneva Convention” ayaa qoraya dalkasta xaq ayuu u leeyahay Wakiilka loo soo diro inuu iska diidi karo ama eryi karo, iyadoo waliba anaan wax sharaxaad ah laga bixin sababta.

Dalka ama hey’adda soo dirsatay wakiilka waxay kala dooranayaan in ergayga la dacweeyay shaqada laga joojiyo ama in la badalo.

Dowlado badan ayaa horay u qaatay go’aanka nuucaan oo kale ah oo dalalkooda ka saaray wakiilo badan oo ka socday dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Croatia ayaa horay u cayrisay Carl Bildt oo ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee dalkaasi, waxayna ku eedaysay inuu lumiyay awoodihii lagama maarmaanka ahaa ee dhex dhaxaadinta wada hadaladii nabadda ee dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay u sheegay horumarka iyo waxa u wanaagsan Soomaaliya inay ka tashanayaan oo kaliya Dadka Soomaaliyeed.

W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

 

 

Previous Post

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay degmada Deyniile “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso

Next Post
Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso

Wasiirka Arrimaha dibadda: "Laguma deg degin go'aanka aan ka qaadanay Haysom" Dhageyso

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In