Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maanta shalay ma’ahan.!!

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maanta shalay ma’ahan.!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay Xoghayaha Guud ee Q.M in Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom in aan Soomaaliya laga rabin  isla markaana uusan ka shaqayn karin.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Go’aankan uu ka danbeeyay kadib markii Haysom uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

Sida ay qabaan shuruucda Caalamiga ah waxaa waajib ku ah Danjirayaasha inay xushmeeyaan sharciga iyo nidaamka dalka loo diray, waxaa kale oo waajib ku ah inaysan faragalin arrimaha gudaha ee dalka uu joogo.

Heshiiska Jineefa “Geneva Convention” Qodobka 3-aad farqadiisa B, ayaa qoraya in wakiil walba ay waajib ku tahay inuu u hoggaansamo oo kaliya inta uu u ogalyahay qaanuunka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ma eryi kartaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.?

Sida uu qorayo Qododka 9-aad ee heshiiska Jineefa “Geneva Convention” ayaa qoraya dalkasta xaq ayuu u leeyahay Wakiilka loo soo diro inuu iska diidi karo ama eryi karo, iyadoo waliba anaan wax sharaxaad ah laga bixin sababta.

Dalka ama hey’adda soo dirsatay wakiilka waxay kala dooranayaan in ergayga la dacweeyay shaqada laga joojiyo ama in la badalo.

Dowlado badan ayaa horay u qaatay go’aanka nuucaan oo kale ah oo dalalkooda ka saaray wakiilo badan oo ka socday dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Croatia ayaa horay u cayrisay Carl Bildt oo ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee dalkaasi, waxayna ku eedaysay inuu lumiyay awoodihii lagama maarmaanka ahaa ee dhex dhaxaadinta wada hadaladii nabadda ee dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay u sheegay horumarka iyo waxa u wanaagsan Soomaaliya inay ka tashanayaan oo kaliya Dadka Soomaaliyeed.

W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

 

 

Previous Post

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay degmada Deyniile “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso

Next Post
Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso

Wasiirka Arrimaha dibadda: "Laguma deg degin go'aanka aan ka qaadanay Haysom" Dhageyso

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In