Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanadguuradii 47-aad maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta  oo Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa Qiimaha badan.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaa ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii buddhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada,diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

W/Qoray: Gobdoon. 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Agaasimihii Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Dubbe oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho.

Next Post
Wasiir Dubbe oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho.

Wasiir Dubbe oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In