Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo” (WARBIXIN)

Idman Yahye by Idman Yahye
May 24, 2025
in Wararka
0
“Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo” (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana looga hadlay dardargelinta howlgallada ciidanka ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo sida ugu habboon ee loo xoojin karo wadashaqeynta hey’adaha ammaanka iyo ciidanka kale ee ku howlan ciribtirka kooxdaasi.

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa boogaadiyay guulaha ciidanka qaranka ay todobaadkaan ka soo hooyeen la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,wuxuuna kula dardaarmay in la dardargaliyo howlgalada ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

May 24, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025

Kulanka waxaa dhinaca kale ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure,Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaa,kusimaha Ciidanka qeybta 27-aad C/Laahi Barre  Cilmi,Taliyaha qeybta Boliiska Hiiraan Isaaq Cali C/Le iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiitaan Muuse Salaad Weheliye, iyadoo sidoo kale Kulankaasi waxaa soo xaadiray qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.

Sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xaq-u-Dirirka deegaanka, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ka dhacay degmada Moqokori ayaa lagu falanqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo guulo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in si isku duuban looga hortago Khawaarijta, lagana xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Khawaarijta oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose lagu dilay ilaa 120-ka tirsan Khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in dagaallo culus oo wali ka socda xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, jab weyn lagu gaarsiiyey argagixisada, sidoo kalena Jubada hoose oo lagu dilay ilaa 30-ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta qaarkood oo gacanta lagu dhigay, lana hubinayo inay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Howlgal kale oo ka shacay deegaanada Sabiid iyo caanoole ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay fuliyeen ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa lagu dilay horjooge iyo koox ilaalo u aheyd, kaas oo si gaar ah ugu lug kahaa Hoobiyaal dhowr mar lagu soo tuuray xaafadaha Muqdisho, sida lagu xusay Shirkaasi Jaraa’id.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey dhabar adeyg iyo geesinimo, islamarkaana ku guulaystay inay dhul badan ka saaraan Khawaarijta, isagoo ugu dambeyntii, ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka ‘halkii ay noqon lahaayeen codka cadowga’.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay dhawaan Warbaahinta qaranka ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ciidamada qaranka oo ay ku jiraan kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleeyda ay u diyaargaroobaan dagaal lagu soo afjarayo kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda Soomaaliya.

“Suurtagal maaha in dad ka yimi meelo fog-fog iyo kuwo ajaanib ah ay kugu addoonsadaan deegaankaaga”ayuuyiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxdaan oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in kooxda nabad-diidka ay marayaan xaalad gabagabo ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxdaasi,isagoo si gaar ah uga codsaday dhallinyarada in ay xoogooda ku muquuniyaan Al-Shabaab maadaama ay diidan yihiin in dhallinyaradu in ay helaan nabad,shaqo iyo amni.

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda Marayknka wuxuu abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan oo dollar ku bixinayaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan Cabdullaahi Banati iyo qof kasta oo mas’uul ka ah weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Manda Bay, Kenya, Janaayo 5, 2020. Xarunta Manda Bay waa saldhig milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, si ay u siiyaan xulufada Maraykanka ee Bariga Afrika tababar iyo taageero ku aadan ka hortagga argagixisada, ugana jawaabaan dhibaatooyinka iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka, sida ay qortay ADF.

Aroornimadii hore ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen fariisimaha ku dhexyaalla saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka, waxayna si isku mar ah u huwiyeen baasuukayaal iyo hubka fudud garoonka diyaaradaha ee ku dhagan Manda Bay. Labo duuliye oo Qandaraasleyaal ahaa oo ka tirsanaa waaxda difaaca, oo labaduba ahaa muwaadiniin Mareykan ah, ayaa la dilay markii diyaaradahooda militariga lagu garaacay RPG-yada. Qandaraasle seddexaad oo ka tirsan waaxda difaaca, oo sidoo kalena ahaa muwaadin Maraykan ah, ayaa ka badbaaday qaraxa laakin waxaa soo gaaray dhaawac culus. Khabiir ahaa militariga Mareykanka sidoo kalena ahaa hagaha taraafikada hawada ayaa la dilay.

Sidoo kale, labo ka mid ah shaqaalaha adeegga muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku dhaawacmay dagaalka. Askari Kenyan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka. Fiidiyoow ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Shabaab ee Shahada, ayaa afhayeenkooda wuxuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas.

Cabdullaahi Banati wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa qorsheynta howlgalka weerarkii Janaayo 5teedii, 2020-kii ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Manda Bay. Al-Shabaab – oo ah faraca ugu weyn ee Al-Qaacida ee Bariga Afrika – ayaa mas’uul ka ah weerarro argagixiso ah oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Bishii Maarso 2008-kii waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur Argagixiso Shisheeye ah iyo Argaggixiso Caalami oo Gaar ah.

Sidoo kale, bishii Abriil 2010-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa u aqoonsaday Al-Shabaab inay yihiin urur sida ku xusan qodobka 8aad ee Qaraarka 1844 (2008).

Previous Post

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxaa Magaalada Algerias ee caasimadda dalka Algeria lagu soo gabagabeeyay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka oo sanad waliba xiligaan...

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 16-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In