Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ugu horeeyo Gudoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka mudane Axmed Cabdi Aadan, ayaa kulan la qaatay madaxa Hay’adda cuntada aduunka WFP, ee Soomaaliya Mr Elkhadir Daloum.
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA, ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay labada hayadood uga yeelaan lahaayeen wada shaqeyn dhow howlaha gaargaarka ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed ee tabarta daran.