Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

maxkamadda

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur “Shuute” oo maanta Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Socdaal Shaqo oo Isaga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ay ku tageen magaalada Qaahir ee Dalka Masar.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

G/Sare Xasan Cali Shuute ayaa Sheegay in kulan gaar ah oo fikrado la isku dhaafsaday ay la qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida Sareeya Gaas Camaad Cabdalcasiis oo ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha Guud Maxkamadda Ciidamda Qalabka Sida Masar iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Dalka Masar.

“Socdaal Shaqo oo qaatay hal Isbuuc ayaan aniga iyo Gen Liibaan Cali Yaroow ku tagnay Qaahir kadib markii aan casuumaad rasmi ah ka helnay Dowladda Masar, wuxuu ahaa kulankeenii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxda ugu Sarreysa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya iyo Masar, si wanaagsan ayay noogu soo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Magaalada Qaahir, sida taariikhda ku xusan Masar waxa ay safka hore uga jirtaa dalalka ugu horreeya dhinacayada xeerarka garsoorka madaama Xeerarka u dagsan Masar la dajiyay 1882-Kii, halka Xeerarka Soomaaliyana la dajiyay 1963-Kii, waxaan ka wada hadlanay sidii aan isku dhaafsan laheyn aragtiyo la xiriira qaabka maanta ay u shaqeeyaan Garsoorka labada dal” ayuu Yiri G/Sare Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Guddoomiyaha Hay’adda Garsoorka Masar uu kulanka ka ballanqaaday in Qubarro Garsoorka ku xeeldheer ay u soo diri doonaan Soomaaliya, si Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka ay tababaro u siiyaan, islamarkaana Masar ay gacan uga geysato talooyin la xariira haddii wax laga badalayo qodo kamid ah xeerarka u dagsan Maxkamadda Ciidamada.

“Dowladda Masar oo ah dal Islaam ah meelo badana aan iska waafaqsanahay xeerarka u dagsan waxaan ka codsanay in ay gacan dhinaca farsamada ah naga siiyaan waxkabadalista Xeerarka Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si aan ula jaanqaadno xeerarka casriga ah ee maxakamada Ciidamada dunida, maadaama xeerka u dagsan maxkamadda ciidamada aan wax laga badalin tan iyo wixii ka dambeeyay 1963-kii, wey naga aqbaleen in howshaas gacan ay naga siiyaan, sidoo kalana noo tababaraan shaqaalaha loo qaadanyo in ay ka shaqeeyaan maxkamadda ciidamada kahor inta aysan shaqo galin” ayuu Yiri Gaashaanle Sare Shuute.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanla Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Madaxdu ay isku raaceen in lasii joogteeyo kulamada labada dhinac, ayna isdhaafsadaan warbixinada la xiriira waxyaabaha casriga ah ee kusoo kordha Xeerarka lagu maamulo maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida.

14937077_1027682730676505_1798993628_n14997118_1027682747343170_661555090_n14971441_1027682797343165_280819749_n14962993_1027682744009837_1983056810_n

Previous Post

R.Wasaare Sharma’arke “Waxaan Madaxda Puntland iyo Galmudug isku afgaranay in ay dhaqan geliyaan Xabad joojin deg deg ah”

Next Post

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Next Post
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In