Guddiga Gaarka ah ee Arimaha Xabsiga dhexe ee Xamar ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka iyo waxbarashada.
Ugu horeyntii Guddiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare kala hadlay Arrimaha Waxbarashada xabsiga dhaxe ee Xamar Wasiiru-dowlaha Wasaaradda. Waxay warbixin dheeraad ah ka bixisay xaalada Waxbarasho ee Xabsiga dhexe, waxyaabaha kaga qorsheysan iyo ku-talagalkooda.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in ay ku tala jiraan inay macalimiin Wiilal iyo gabdho ah ay u diri doonaan xabsiga, Buugaag Waxbarasho oo heerar kala duwan ahna ay ugeyn doonaan dhawaan.
Guddiga ayaa ku booriyay Wasaaradda inay kormeer ku soo sameeyaan Xabsiga baahida Waxbarasho ee halkaasi ka jirta warbixina ku soo celiyaan Guddiga seddex isbuuc ka dib.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimàadka ayaa si qota dheer ugu warbixisay xaalada caafimaad ee Maxaabiista xabsiga dhaxe ee Xamar ku jira ayna la socdaan xaalaadaha caafimaad ee maxaabiista halkaasi ku xiran.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa umahadceliyay. Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimàadka ee Soomaaliya, aygoo sheegay in xaaladaha ku hor gudban labada Wasaaraddood ee ku aadan xabsiga dhaxe ee Xamar ay kala shaqeyn doonaan, Madaxda Wasaaradahuna ay booqdaan Xabsiga dhaxe ee Xamar.