Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale wuxuu ka mid ahaa haldoorkii hormuudka u ahaa saxaafadda dalka, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho intii u dhaxaysay 1972 ilaa 1982. Muddadaas, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim u ahaa horumarinta warbaahinta qaranka, isagoo sidoo kale ka qeyb qaatay kor u qaadidda wacyiga bulshada Soomaaliyeed iyo tayeynta mihnadda saxaafadda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah warbaahinta madaxbannaan iyo warbaahinta caalamiga ah, oo ay ugu horreyso BBC-da Laanta Afka Soomaaliga, halkaas oo uu ka sii watay mihnaddiisa saxaafadeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in geerida Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ay ka dhigan tahay tiir weyn oo ka baxay bahda warbaahinta Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa aqoonyahan iyo rug-caddaa door muuqda ka soo qaatay kobcinta iyo horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

Next Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

Next Post
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In