Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxaha xagjirka ah eek a jira caalamka ay ka mideysan yihiin aragtida hase yeeshee ay ku kala duwanaan karaan uun magacyada, taas oo aan waxba ka beddeleynin dhibaatada iyo falalka argagixiso ee ay caalanka ka fulinayaan.
Wareysi uu siiyay wakaaladda Wararka ee AP isagoo ku sugan Dubai, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Al-Qaacidda, Al-Shabaab iyo Daacish ay yihiin kooxo isku aragti ah laakin kaliya magacyada ku kala duwan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga adkaado si looga badbaado khatartooda.
โUgu dambenta natiijada kooxahani waa isku mid, waa inay wax burburiyaan, hadii ay wataan magaca al-Qaacida ama Daacishโ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Ficilladooda iyo aragtidoodu waa isku mid, waxaa laga yaabaa mid kooxi ka dhib badan yahay kooxda kaleโ ayuu sii raaciyay.
Kooxda Al-Shabaab ee dagaallada dadka ay ku xasuuqayso ka waddo Soomaaliya iyo dalalka dariskeeda ah, ayaa horay u sheegtay inay la midowday Al-Qaacidda, Sidoo kale kooxdu waxay dhawaan shaacisay inay ku biirayso kooxda Daacish ee dhibaatooyinka ka wadda Ciraaq iyo Suuriya. Boko Haraam oo ka dagaallanta Nigeria ayaa ayaduna sheegtay inay xiriir la leedahay ama biirtay Daacish. Tallaabooyinaasi waxay caddeynayaan in kooxahaasi ay isku aragti yihiin laakin kaliya ay magacyda ku kala duwan yihiin.