Madaxweynaha dalka Keynta Uhuru Kenyatta iyo wefdi uu hogaaminayo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka wadamada urur goboleedka IGAD oo maanta ka dhici doona magaalada Muqdishu, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Kenya.
Horey ayaa waxaa dalka u soo gaaray madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, iyadoo la filayo in mas’uuliyiinta kale ee shirka ka qeybgalaysana ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.