Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

Waxaa uu ugu horeyn, Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026

Mr Wetprasit, ayaa noqonayaa danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku af-garteen inay ka wada shaqeyaann mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dhanka kale, Madaxweynaha waxaa uu isla maanta xafiiskiika warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqoneysa Soomaaliya, Tarja Orvokki Fernandez.

Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB.

Labada dhinac waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Danjire Fernandez ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Madaxweynaha Jamhuriyadda Finland, Sauli Niinistö , waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daneyneyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.

Madaxweynaha ayaa labada danjire ee Thailand iyo Finland u balanqaaday in dowladda ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

Kulamadaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya Ee Qadar Oo Kulan Dhiira Galin Ah U Sameysay Muwaadin U Dhaq dhaqaaqa Bulshada Dhibaateysan “Sawirro”

Next Post

Siminaar Looga Arinsanayo Qaabka Looga Faa’iseysan Karo Kheyradka Dalkeena oo Nairobi Ka Furmay”Sawirro”

Next Post
Siminaar Looga Arinsanayo Qaabka Looga Faa’iseysan Karo Kheyradka Dalkeena oo Nairobi Ka Furmay”Sawirro”

Siminaar Looga Arinsanayo Qaabka Looga Faa'iseysan Karo Kheyradka Dalkeena oo Nairobi Ka Furmay"Sawirro"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In