Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Kenya uga qeyb galay baroor diiq loo sameeyay ciidamadii Kenya ee dhawaan ku geeriyooday deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.
Munaasabada baroor diiqda ah ayaa waxay ka dhacday magaalada Eldoret, halkaas oo ay ka imaadeen ciidamada Kenya ee ku dhintay Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo Dowladda Kenya ciidamada uga geeriyooday soomaaliya, iyagoo caawinaya dadka Soomaaliyeed, waxaana uu madaxweynaha ka hadlay sida muhiimka ay u tahay la dagaalanka argagaxisada ee nabada u diidan labada shacab ee Kenya iyo Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo goordhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha uu la qeybsaday shacabka iyo dowlada dariska aa nahay Kenya murugada ciidamada uga geeriyooday deegaanka Ceel cadde Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa xusay in madaxweynaha kulamo uu la qaatay madaxdii ka qeyb galayay isu imaatinkaasi baroor diiqda ah sida Madaxweynaha Nigeria, Muhamadu Buhari, iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaaa oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga loogu jiro ciribtirka argagaxisada.