Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Dhalinyarada waa inay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska iyo soo celinta sharafta iyo karaamada dalka” +Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Dhalinyarada waa inay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska iyo soo celinta sharafta iyo karaamada dalka” +Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galey munaasabad ballaaran oo lagu xusayey maalinta dhalinyarada caalamka, oo lagu qabtey xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyo u direy dhammaan dhalinyarada caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya oo uu sheegay in laga sugayo inay wax ka beddelaan xaaladda dalka ka jirta.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

‘’Dhalinyarada waa udub dhexaadka dowladnimada cusub ee Soomaaliyaa. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada. Haddii horey loo rumeysnaa in dhalinyarada ay qeyb ka qaateen burburinta waddanka, maanta waxay haystaan fursad dahabi ah oo ay gacan uga geystaan dib u dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya beesha caalamka ku lahayd’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen argagixisonimada, burcad badeedka iyo tahriibka, waqtigan la joogana ay dhalinyaro badan u istaageen ciribtirka falalkaasi.

“Dhalinyaro badan oo horey loo duufsadey ayaa ka soo noqdey argagixisonimada, doorteyna inay shacabkooda dhinac ka raacaan, waxna u qabtaan dalkooda. Sidoo kale falalki burcad badeednimada ayaa si rasmi ah looga ciribtirey dalka, waxaana taa mahaddeeda iska leh waalidiinta, culumada diinta, ururrada bulshada,dowladda iyo shacabka oo iska kaashadey sidii loo joojin lahaa falalkaasi xun xun’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay nolol wanaagsan ka sameyn karaan gudaha dalkooda, kheyraadka waddanku uu leeyahayna uu saamaxayo in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay nolol wanaagsan helaan.

“Waddankan waxaa uu leeyahay kheyraad kala duwan oo bad iyo berriba leh. Geesinimada iyo dhiiranaanta ay dhalinyarada ku tahriibayaan ha loo weeciyo in dalka looga shaqeeysto. Ma jirto sabab ay noloshooda khatar ugu geliyaan badaha. Waa inaad gacan ka geysataan nabadeynta dalka, xooggana aad saartaan waxbarashada iyo inaad xirfadleyaal noqotaan. Si waddanka looga dhiciyo kooxaha dembiileyaasha ah ee dalalkooda ka soo haajirey, waa inaad dowladda iyo laamaha amniga gacan ku siisaan sidii loo ciribtiri lahaa Al Shabaab iyo kuwa la midka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga dalka uu ka soo reynayo, isla ,markaana barnaamijka dowladda ee baahinta maamulka uu horseedi doono in la helo mas’uuliyiin lagala xisaabtamo xaaladaha ka jira qeybaha kala duwan ee waddanka, kooxaha argagixisada ee isugu jira Soomaalida iyo ajaanibtuna ay weyn doonaan goobo ay ku dhuumaaleystaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda iyadoo ka duuleysa muhimadda dhalinyarada ay gacanta ku haysto diyaarinta siyaasad qeexeysa doorka iyo waxa laga filayo dhalinyarada inay ku yeeshaan bulshada.

Madaxweynaha ka hor waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Wasiirka amniga gudaha oo maanta xarigga ka jaray xarun miino baaris “Sawirro”

Next Post

jaamacadda Soomaaliya oo maanta labo Maktabadood ka furtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
jaamacadda Soomaaliya oo maanta labo Maktabadood ka furtay Muqdisho “SAWIRRO”

jaamacadda Soomaaliya oo maanta labo Maktabadood ka furtay Muqdisho "SAWIRRO"

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In