Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026

Muqdisho, April 7, 2016: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada oo caafimaadka ugu horreeyo.

Maanta oo ku beegan 7-da April oo ah maalinta caafimaadka adduunka, ayaa Ururka Caafimaadka Dunida ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku xustey khatarta cudurka halista ah ee kaadi macaanka ama sokorowga loo yaqaan.

WHO waxay sheegtay in tirada dadka qaba xanuunkan sannadkii 2014 lagu qiyaasay inay gaarayeen in ka badan 400 oo milyan, taas oo afar jibbaar ka badan qiyaasihii 1980-kii oo ahaa 100 milyan oo qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xanuunka sokorowga ka sokow ay Soomaaliya ka jiraan xaalado caafimaad oo darran oo dowladda iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ay xoogga saarayaan sidii wax looga qaban lahaa.

“Si waddan uu horumar u gaaro waxaa muhiim ah in la helo bulsho caafimaad qabta. Waxaan xoogga saaraynaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ka hortagga cudurada kala duwan ee khatarta ku ah bulshadeena. Wasaaradda Caafimaadka, laamaha kale ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga waxay ka wada shaqeynayaan sidii dib si buuxda loogu soo nooleyn lahaa adeegyadii caafimaad ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo dalka ku sugan uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg caafimaad oo dhameystiran, lana filayo in mustaqbalka dhow hadafkaasi la gaaro.

Previous Post

Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro

Next Post

Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Next Post
Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In