Wednesday, February 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Faransiiska oo ku goodiyey meel marinta sharciyo ka dhan ah Muslimiinta

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Faransiiska oo ku goodiyey meel marinta sharciyo ka dhan ah Muslimiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay sharci adag oo lagu xakameynayo ‘waxa uu ku tilmaamay islaamiyiinta gooni u goosadka ah’ isla markaana difaacaya qiyamka calmaaniga.

Isagoo khudbad u jeediyey shacabka sheegay in Muslimiinta Faransiiska ee lagu qiyaaso lix milyan ay khatar ku yihiin dalka.

Related posts

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 24, 2026
Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026

Qorshaha lasoo jeediyey ayaa waxaa kamid ah in si adag Isha loogu hayo hannaanka waxbarashada Muslimiinta, sidoo kalena lala socdo lacagaha lagu dhiso masaajidyada iyo meelaha ay ka imaanayaan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Macron ayaa waxaa ay cadaadis kala kulamaysaa siyaasadeeda ku aaddan wax ka qabashada Muslimiinta mayalka adag, xilli xaalad amni uu wadanku wajahayo.

Qorshaha madaxweynaha uu ku dhawaaqay waxaa sharci ka dhigi doona baarlamaanka marka loo gudbiyo inta uusan dhammaanin sanadkan.

Waxyaabaha la soo jeediyay ayaa waxaa kamid ah;

  • In si dhow isha loogu hayo ururada sports-ka iyo ururada kale si loo hubiyo in ay yihiin kuwa islaamka faafinaya
  • In la joojiyo imaamyada Faransiiska dibadda looga keeno
  • In kor loo qaado hubinta dhaqaalaha lagu dhiso masaajidyada
  • In la joojiyo carruurta guryaha wax lagu baro

Mr Macron ayaa sidoo kale sheegay in Faransiisku dhaqaale maaliyadeed iyo mid bulsho siin doono muhaajiriinta si kooxaha mayalka adag aysan u buuxin meelaha maran ama banaan.

Dadka qaar ayaa qorshaha madaxweynaha u fasirtay in uu cod kaga raadsanayo kooxaha aaminsan afkaarta garabka midig ee doorashada sanadka 2022.

Laakiin hadalka madaxweynaha waxaa cambaareeyey dadka u dhaq dhaqaaqa danaha Muslimiinta wadanka, waxayna ku eedeeyeen inuu cadaadinayo Muslimiinta dalka ku dhaqan.

Sida uu qabo sharciga Faransiiska xukuumadda waxay ka madax banaan tahay mu’asasaadka diiniga ah, taas oo ah in dadyow kala diimo iyo kala dhaqan ah ay u siman yihiin sharciga wadanka Faransiiska.

Waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan galbeedka Yurub, qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa ku doodaya in xukuumadda calmaaniga ay ayaga si gaar ah u beegsanayso, tusaale ahaan mamnuucista Xijaabka.

Madaxweynaha oo Jimcihii ka hadlayay banaanka magaalada Paris ayaa sheegay in islaamiyiinta mayalka adag ay khatar ku yihiin Faransiiska sababtana waxaa uu ku sheegay in ay leeyihiin sharci ka sareeya kuwa kale waxaana laga yaabaa in ay abuuraan iska caabin bulsho.

 

Previous Post

Madaxweyne Trump oo la geeyey Isbitaal Militari, kaddib markii Covid-19 qandho ku keenay

Next Post

Ciidanka Galmudug oo gaaray goob uu ka taagnaa muran dhul”SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Galmudug oo gaaray goob uu ka taagnaa muran dhul”SAWIRRO”

Ciidanka Galmudug oo gaaray goob uu ka taagnaa muran dhul"SAWIRRO"

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 24, 2026
0

  Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos...

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalineysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In