Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Degmada Balanbal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Degmada Balanbal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan goleyaasha Xukuumadda Galmudug, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada..

Mudane Maxamed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo garoonka kubadda cagta kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in degmada Balanbal lagu qabano gogol dib-u-heshiisiineed oo ku saabsan beelaha degga Galmudug.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xusay in socdaalkiisa Nabadda uu la xiriiro u kuurgelidda xaaladda dhabta ah e ka jirta deegaannada Galmudug, isagoo Maamulka iyo shacbaka ku booriyay inay isu diyaariyaan marti gelinta shirweynaha dib u heshiisiinta ee la qorsheynayo in lagu qabto Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Wasiiro iyo Xildhibaanno waxaana ay safar dhulka ah ku soo mareen Degmooyinka Caabudwaaq, Hobyo, Gaalkacyo, deegaanka Dhabad iyo deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Previous Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo si weyn u xusay 60 guurada xornimada iyo Midnimada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga oo khadka Telefoonka ugu soo hambalyeeyey Madaxweynaha JFS 60-guurada xoriyadda

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga oo khadka Telefoonka ugu soo hambalyeeyey Madaxweynaha JFS 60-guurada xoriyadda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In