Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo Shacabka reer Hiiraan geeridii ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca dowlad goboleedka Galmudug iyo Shacabka Galmudug waxaan tacsi u dirayaa Ehaladii, Qaraabadii, Shacabka reer Hiiraan iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, geeridii maanta ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxuu Ugaaska ahaa shaqsi waqtigiisa ugu badan galiyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummadda, waxa uuna saaka geeriyooday isaga oo ka qeybgalaya shirka Nabadda ee Samadoon, waxaana lagu xusuusan doonaa Ugaaska hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayey bulshada sida nabadeynta iyo dib u heshiisiinta oo uu wadey ilaa ay geerida uga timaaddo” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Related posts

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa Ilaah ugu baryay inuu Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo galabta soo xiray shirkii la xisaabtanka hay’adaha+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In