Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo Caasimada KMG ah ee Dowladda gobolleedka Koonfur Galneed.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Siihayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo uga qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya magaaladaas.