Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si wadajir ah u furay Shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka, kaas oo muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada caafimaadka dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle Mudane Saadaq Maxamed, Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr. Saciid Axmed Cali, Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Aadan Jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan, qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada dalka, Agaasime Waaxeedyo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo khubaro caafimaad oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, tayeynta adeegyada caafimaadka bulshada, dardargelinta qorshayaasha caafimaadka qaranka, iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh isla markaana loo siman yahay.

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxaa lagu lafaguri doonaa caqabadaha ka jira caafimaadka dalka, qorsheyaasha cusub ee lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah, xoojinta adeegyada hooyada iyo dhallaanka, kor u qaadista tayada xarumaha caafimaadka, tababarrada shaqaalaha caafimaadka, iyo sidii loo abuuri lahaa nidaam caafimaad oo waara kana jawaabi kara baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

Next Post

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Next Post
Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In