Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Taliyaha Guud Ee AMISOM.+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Taliyaha Guud Ee AMISOM.+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa eeย ย AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayeyย ย Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadooย ย ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaanย ย guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kaleย ย diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelleย ย ayaa uga mahadceliyey AMISOMย ย sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faaโ€™iideysto waqtiga.

โ€œAad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladanย ย waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Nabad Diidka ah ee Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelleโ€ Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Next Post

Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Next Post
Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In