Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha iyo Madaxa UNCHR oo ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida iyo barakaceyaasha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha iyo Madaxa UNCHR oo ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida iyo barakaceyaasha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 11 June 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), Mr Filippo Grandi.

Madaxweynaha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen, qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya jooga , xaaladda barakaceyaasha iyo tahriibka.

Related posts

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu habboon ee dib dalka loogu soo celinayo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyo socdaalkii uu dhowaan ku tegay Kenya ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxaan UNHCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan dib u soo celinta qaxootiga ku nool waddamada deriska, taakuleynta barakaceyaasha iyo qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen’’.

Mr Filippo Grandi ayaa sheegay in UNCHR ay ka go’an tahay inay kaalmo dheeri ah u fidiso qaxootiga ku sugan xeryaha iyo kuwa dalka ku soo laabanaya, iyo weliba in laga shaqeeyo diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada muhimadda koowaad u leh UNHCR. Xiriirka labada dhinac waa mid muddo dheer soo socday. 70-aadkii waxay Soomaaliya martigelisay kumanaan qaxooti ka yimid dalalka deriska ah. Barnaamijka dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku dhaqan waa mid dan u ah labada dhinac, balse waxaa muhiim ah in qaxootiga loo sameeyo adeegyo ka wanaagsan kuwa ay ku haystaan xeryaha qaxootiga’’.

Kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirka Amniga Qaranka, Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (12) unnamed

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In