Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo wakiilka midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti-Sawirro

caqiil by caqiil
March 14, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo wakiilka midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey fulinta baaqii ka soo baxay shirkii dhowaan ay dalka Jamhuuriyadda Djibouti ku yeesheen madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Waxyaabihi shirkii Djibouti ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka ayaa isku afgartey sameynta guddi si degdeg ah u hawlgeli doona oo qiimeyn iyo fulin ku sameyn doona waxyaabaha aasaasiga u ah ka guul gaarista hawlgallada AMISOM iyo ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan sidoo kale looga hadley sidii degaannada cadowga looga xorreeyo loogu fidin lahaa adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa la taliyaha Madaxweynaha arrimaha difaaca iyo amniga, s/guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, la taliyaha madaxweynaha Arrimaha siyaasadda, Dr Aweys Xaaji Yuusuf , qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

1 2 3 4 unnamed (1)

Previous Post

Kulan Kismaayo lagu qabtay oo looga hadlay sameynta ciidan ka howlgalo doona Jubooyinka

Next Post

Dowladda F. S. oo cambaareeysay weerarki argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara

Next Post

Dowladda F. S. oo cambaareeysay weerarki argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In