Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Qaybgalay Munaasabad xariga looga Jarayay Warshad sifaysa saliida oo laga furay Dalkaas.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jabuuti oo ka qeyb galay xaflad lagu furayay xarunta  Maalgashiga iyo Horumarinta dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , xubno katirsan Golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galay Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu daahfurayey Warshad Sifeysa Saliida oo laga hir galiyey Dalka Jabuuti.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kormeeray Xarunta Warshada waxa uuna u kuur galay howsha balaaran oo ay warshadaasi qabaneyso iyo sida shaqadeedu tahay, waxa uuna qayb qayb usoo eegay howsha warshadaasi iyo waliba sida ay ushaqeeynayso.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Ugu horeeyn waxaa goobtaasi hadal kajeediyay milkiilaha warshadaasi oo u dhashay dalka yemen, wuxuuna goobtaasi ka sheegay iney warshadani waxbadan kusoo kordhin doonto howlaha dhinaca isticmaalka saliida ay dadku u isticmaalaan cunooyinka daruuriga ah.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo isna sheegay in hormarka warshadani ay soo kordhinayso ay tahay mid qayb ka ah howlaha hormarineed ee dalka ka socda oo uu horseed kayahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo goobtaasi ugu dambeyn ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ganacsatada Dalka Yemen iyo kuwa kale oo iyane udhashay wadama kale ay  wax wayn kusoo kordhiyeen Dalka Jabuuti waxa uuna yiri   ” hadii ay halkaan uyimaadeen anaga in ay wax nala qabtaan barnaamijka intaan la egna ay nala qabteen waa inaan ku faraxnaa una mahad celinaa, dhowr boqol oo qof ayaa halkaan ka shaqeeyso, dhiiri geli ayey noo noqon doontaa sida barnaamijkan loo sameeyay” ayuu yiri madaxweyne Geelle .

Waa markii ugu horeysay oo warshad nuucaana  laga hirgeliyo Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana ay Warshadani ka qayb qaadaneysaa hormarka balaaran ee kasocda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Previous Post

Laamaha ammaanka Mareykanka oo baaraya meydka labo gabdhood oo Soomaali ah oo shil ku dhintay

Next Post

Qatar oo ka baxeysa Ururka dhoofiya shidaalka ee OPEC

Next Post
Qatar oo ka baxeysa Ururka dhoofiya shidaalka ee OPEC

Qatar oo ka baxeysa Ururka dhoofiya shidaalka ee OPEC

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In