Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku Bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay u Weyneeyeen Todobaadka Xorriyadda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku Bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay u Weyneeyeen Todobaadka Xorriyadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee gumeystuhu uu kala qeybiyey.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda halgankii dadka Soomaaliyeed ay u soo mareen midnimada iyo gobanimada dalkeenna, iyadoo ay hoggaaminayeen dadaalkaas dhallinyaro naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen dowladnimo, mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay ku fara adeygaan midnimada, wadajirka iyo qarannimadooda oo ah tan kaliya ay kula tartami karaan dhiggooda caalamka isaga oo u tusaaleeyay dhibaatooyinkii laga dhaxlay qaran jabkii nagu dhacay oo ay sababtay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey, Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Xildhibaanno, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Maxamed Cabdi Yusuf, dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Radio Muqdisho ugu hambalyeeyay sida ay uga qeyb qaateen baahinta maalmaha xoriyadda dalka

Next Post

Somalia celebrates the 61st Anniversary of its Independence

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku Bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay u Weyneeyeen Todobaadka Xorriyadda “SAWIRRO”

Somalia celebrates the 61st Anniversary of its Independence

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In