Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Antรณnio Guterres oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadley kaddib kulan miro-dhal ah oo ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, arrimaha Beni-aadannimada iyo la tacaalidda saaneynta isbaddelka cimmilada.
Masโuuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha wax ku-oolka ah ee DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dowlad-dhiska, iyaga hoosta ka xarriiqay muhiimadda in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.