Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo beeniyey Dacaayadii ahayd in uu xumaaday Xiriirka Imaraadka iyo Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay maanta Isbitaalka Sheekh Sayd iyo xarunta safaaradda Imaaraadka uu ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore waxa uu booqdey Isbitaalka Sheekh Sayd ee dowladda Imaaraadku ay ka dhistay  magaalada Muqdisho, kaas oo lagu daweeyo dadka deggan caasimadda si lacag la’aan ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha oo uu wehliyey Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka safiirka, ayaa soo indha-indheeyey qeybaha Isbitaalka uu ka kooban yahay, waxaana uu warbixinno ka dhageystay howl-wadeenna iyo Dhaqaartiir ay ku jiraan Soomaali.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqdey Safaaradda dowladda Imaaraadka ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, iyadoo u jeedku yahay muujinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaga oo ku sugan xarunta safaaradda Imaaraadka sheegay  in dowladda Imaaraadka uu uga mahadcelinayo mashaariicda ay dalka Soomaaliya ka fulisay, sida Isbitaalka Sheekh Sayd iyo qeybo cusub oo dhismahoodu uu socdo hadda, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay abaal uga hayaan.

Dhan kale madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dicaayado lagu waxyeelleynayo xiriirka iyo saaxiibnimada u dhaxesyaa Imaaraadka iyo Soomaaliya, taasina ay been abuur tahay, booqashadiisuna ay astaan u tahay arrintaas, xiriirka labada dalka u dhaxeeyaana uu  mar walbana  yahay mid sii xooggeysanaya.

Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Xamdaan Rashiid Al-Shamsa, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya booqashadiisa safaaradda, waxa  uu hoosta ka xariiqay in marnaba uusan xumaan xiririka Soomaaliya iyo Imaaraadka, labada dalna ay yihiin walaalo wax wadaqabsi uu ka dhaxeeyo.

Dowladda Imaaraadka waxa ay ka mid  tahay dowladaha Caalamka ee Soomaaliya sannadihii u dambeeyey ka waday mashaariic waa weyn iyo taageero dhinacyo  badan leh oo ay uga qeyb-qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.

Previous Post

Burcad South African oo dab qabadsiiyay Goob ay leeyahihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Next Post

Diiwaangalinta,Bixinta Shahaadooyinka & Kaararka xubnaha labada aqal oo maanta bilaabatay

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Diiwaangalinta,Bixinta Shahaadooyinka & Kaararka xubnaha labada aqal oo maanta bilaabatay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In