Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo beeniyey Dacaayadii ahayd in uu xumaaday Xiriirka Imaraadka iyo Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 13, 2016
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay maanta Isbitaalka Sheekh Sayd iyo xarunta safaaradda Imaaraadka uu ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore waxa uu booqdey Isbitaalka Sheekh Sayd ee dowladda Imaaraadku ay ka dhistay  magaalada Muqdisho, kaas oo lagu daweeyo dadka deggan caasimadda si lacag la’aan ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweynaha oo uu wehliyey Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka safiirka, ayaa soo indha-indheeyey qeybaha Isbitaalka uu ka kooban yahay, waxaana uu warbixinno ka dhageystay howl-wadeenna iyo Dhaqaartiir ay ku jiraan Soomaali.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqdey Safaaradda dowladda Imaaraadka ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, iyadoo u jeedku yahay muujinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaga oo ku sugan xarunta safaaradda Imaaraadka sheegay  in dowladda Imaaraadka uu uga mahadcelinayo mashaariicda ay dalka Soomaaliya ka fulisay, sida Isbitaalka Sheekh Sayd iyo qeybo cusub oo dhismahoodu uu socdo hadda, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay abaal uga hayaan.

Dhan kale madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dicaayado lagu waxyeelleynayo xiriirka iyo saaxiibnimada u dhaxesyaa Imaaraadka iyo Soomaaliya, taasina ay been abuur tahay, booqashadiisuna ay astaan u tahay arrintaas, xiriirka labada dalka u dhaxeeyaana uu  mar walbana  yahay mid sii xooggeysanaya.

Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Xamdaan Rashiid Al-Shamsa, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya booqashadiisa safaaradda, waxa  uu hoosta ka xariiqay in marnaba uusan xumaan xiririka Soomaaliya iyo Imaaraadka, labada dalna ay yihiin walaalo wax wadaqabsi uu ka dhaxeeyo.

Dowladda Imaaraadka waxa ay ka mid  tahay dowladaha Caalamka ee Soomaaliya sannadihii u dambeeyey ka waday mashaariic waa weyn iyo taageero dhinacyo  badan leh oo ay uga qeyb-qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.

Previous Post

Burcad South African oo dab qabadsiiyay Goob ay leeyahihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Next Post

Diiwaangalinta,Bixinta Shahaadooyinka & Kaararka xubnaha labada aqal oo maanta bilaabatay

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Diiwaangalinta,Bixinta Shahaadooyinka & Kaararka xubnaha labada aqal oo maanta bilaabatay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In