Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay Shirka heerka sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka    WAR-MURTIYEED

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 14, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay Shirka heerka sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka    WAR-MURTIYEED
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.

1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025

2-Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo meelmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-socodka Diyaarinta Hiigsiga 2060.

5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talooyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dedejinta dhammaystirka Qorshaha Maaraynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Dambaysa (Post-HIPC Plan).

Previous Post

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Hirshabeelle oo kulamo la qaatay Hay’addaha Samafalka

Next Post

Olole Nadaafadeed oo caawa laga sameeyay waddada Ex-koontarool Afgooye “SAWIRRO”

Next Post
Olole Nadaafadeed oo caawa laga sameeyay waddada Ex-koontarool Afgooye “SAWIRRO”

Olole Nadaafadeed oo caawa laga sameeyay waddada Ex-koontarool Afgooye "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In