Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay dadweynaha Soomaaliyeed su’aalo ugu weydiinayeen ayaa sheegay in u magaca Soomaaliyeed ugu mahadcelinayo Shirkadda Hormuud dadaaladda samafalka ah ee ay ka hayso dalka, waxaa uu sidoo kale ka jawaabay su aal laga waydiiyay beegsiga ay Khawaarijta muddooyinkii danbe ku haysay.
“Waa run shirkadda waa la bartilmaameedsaday Khawaarijtaan sidoodaba wixii Soomaaliya dan u ah ayey ka soo horjeedan oo bartilmaameed u ah, ha ahaato mid gaar loo lee yahay ama mid dowladdeed qof ay dhafayaan malaha wanaagga ayey la dirirsan yihiin,waana colka wanaagga,Hormuud waa shirkadda ay ku wada noolyihiin qoysaas Soomaaliyeed”. ayuu yiri Madaxweynaha JFS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dad badan loo soo qab-qabtay falalka la Xirriirka beegsiga shirkadda Hormuud lana horkeeni doono cadaaladda.
“In hadaf laga dhigto oo adeegi la burburiyo oo dadkii adeegaas u adeegayay la dilo dhibaatada ay Khawaarijta u qabaan shacabka Soomaaliyeed ayey ka mid tahay,waana ka xunahay,dowladda kama indha la’aa arrimahaas dad badan ayaa u xiran arrimahaas oo u baaritaan ku socda waxaana arkii doontaan iyagoo maxkamadda la horgeeyay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.