Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS Oo La Kulmay Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS Oo La Kulmay Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey warbixin ka dhageystay Madaxda Maxkamadda Ciidamada, iyagoo ka warbixiyay howlaha adag ee ay makamadda ciidamadu u heyso qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Labada Masu’uul ku ammaanay shaqada adag ee ay sida daacadnimada ah u guteen Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow mudadii Afarta Sano ee la soo dhaafay oo ay maxkamaddu qabatay shaqooyin waaweyn, kuwaas oo aan wax qaladaad ama cabashooyin ah ka imaan.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ayaa Madaxweynaha ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay Maxkamadda, isagoo hoosta ka xariiqay in xukunadii kala duwanaa ee ay Maxkamadda Ciidamada ridday ama fulisay aanu wax faragalin ah uga imaan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow waxa ay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

115032507_1033848483393263_402972020_n15046207_1033848436726601_1568887376_n15050286_1033848363393275_2030677397_n

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 13-11-2016

Next Post

Wejiga 2-aad ee doorashooyinka aqalka hoose oo la filayo in ay ka bilaawdaan Puntland iyo galmudug

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Wejiga 2-aad ee doorashooyinka aqalka hoose oo la filayo in ay ka bilaawdaan Puntland iyo galmudug

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In