Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota Mareykanka ayaa shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea.
Madaxweynaha ayaa sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo ciidanka, isla markaana lasoo dhameystirayo inta lagu guda jiro bisha soo socota ee Janaayo.
โBisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,โ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, โInsha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.โ