Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Idman Yahye by Idman Yahye
7 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku howlana wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026

Iyadoo oo la tixgelinayo, muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah oo ku dhisan xeelinta danta guud, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaaryo shirkaan isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dawladda dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeytstirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.

Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalín mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuummadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.

Arrimaha farsamada ee gogoshaa iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

WAR SAXAAFADEEDKA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo Mahad Salaad u ansixiyay agaasimaha hay’adda NISA

Next Post

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Next Post
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In