Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Barnaamijka Islaxisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Barnaamijka Islaxisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha iyo ballamaha hirgelay ee Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Golaha Xukuumadda daah-furnaanta ay muujiyeen sida ay mudnaanta u siinayaan talada iyo tusaalaha shacabka Soomaaliyeed oo ay muddo toddobaad ah u soo bandhigayeen waxqabadkooda, caqadaha iyo qorsheyaasha dhow.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Barnaamijkan [isla-xisaabtanka] waxa uu xoojinayaa hufnaanta, daahfurnaanta iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Dowladdooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guulaha ay Xukuumadda Dan-Qaran gaartay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay saldhig u yihiin mustaqbalka dowladnimada, balse loo baahan yahay in dadaalka la labalaabo si loo gaaro hiigsiga Qaranka ee fog.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Xafiiska Dardargelinta iyo Hirgelinta (CDU) oo hoos imaanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo qaabilsan hirgelinta iyo dabaggalka ballanqaadyada iyo qorshayaasha dowladeed, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo isku-xirka Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha Qaranku si habsami leh u hirgalaan.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo xiray shir heer Qaran ah

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In