Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay xubnaha DFS in qeyb ahaan mushaharaadkoodi u jaraan si ay uga qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay xubnaha DFS in qeyb ahaan mushaharaadkoodi u jaraan si ay uga qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in dowrkoodi ay ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu ku saameeyeen Hiiraan Gedo iyo daadadka ka dhashey roobabka ka da’ay gobalka Baay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in xubnaha Dowladda ay mushaharaadkooda qeyb ahaan ay u jaraan,si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaataysan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah loogu gurmado dadkaasi,sida ganacsatada wax haysata,culimaa’udiinka iyo qurba joogta Soomaaliyeed intuba.

Fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn xooggan ku yeeshey dad badan,waxaa jira khasaare naf iyo maal oo ay ugu darantahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa soo wehliya fatahaadda webiga Jubba ee Gedo iyo daadadkii ka dhashey roobabkii ka da’ay gobalka Baay.

Waxaa soconaya dadaalo xooggan oo dowladda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa.

Guddigii ay dowladda Soomaaliya u magacowday howlahaasi gurmadka ayaa wada dadaallo ku aadan sidii samafal deg deg ah loo gaar siin lahaa dadkaasi,iyadoo magaalada Baladweyne dhawaan dowladdu ay gar gaar gaarsiisay.

Previous Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Washington kula kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Next Post

Dhageyso Sheekada Isku-maan

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Sheekada Isku-maan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In