Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Washington kula kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Washington kula kulmay Madaxda Bangiga Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Washington, D.C ee dalka Marekanka ayaa la kulmay ย madaxweyne ku-xigeenka bangiga Adduunka,Havez Ghanem.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay taageerada uu bangiga adduunku siiyo Soomaaliya, gaar ahaana mashruuca Ilaalinta Bulshada iyo shaqo abuurka.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Mashruuca Ilaalinta Bulshada oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu ku taageerayo bangiga adduunka , ayaa sannadkan gaaraya 200,000 (labo boqol oo kun) oo qoys, waxaana lagu wadaa inay ka faa’iideystaan 1.2 milyan oo bulshada nugul ah, wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya qoysaska reer miyiga ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha.

“Kullankeenna wuxuu ahaa mid miro-dhal ah, bangiga adduunka waxaan uga mahadceliyay taageerada uu siiyo dalkeenna, waxaan si gaar ah uga codsaday sidii uu ku sii socon lahaa tan iyo inta dalka deymaha laga cafinayo isku filnaasho dhaqaalana aan ka gaareyno, mashruuca Ilaalinta Bulshada kaas oo taageero dhaqaale ay ku helayaan qoysaska nugul iyo kuwa miyiga ku nool” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka wuxuu ballanqaaday sii soco-shada mashruucan,wuxuu caddeeyay sannad dheeraad ah inay ku dari doonaan.”

Docda kale, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu ka qeybgalay kullan heer wasiirro oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad saddex boqol oo wakiillo caalamka ka socday ah oo looga hadlay daryeelka bulshada iyo shaqo abuurka, kullan dooddeedka ayuu wasiirka ku soo bandhigay dadaallada ay dowladda wado iyo sida ay xilligan uga go’antahay in si furan dalka loogu soo dhaweeyo maalgashadayaasha.

Muddada uu dalka Marekanka ku suganyahay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa uu kullamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin dalkaas iyo deeq bixiyayaasha oo shaqo abuurka iyo taageerada bulshada uu kula hadli doono.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay xubnaha DFS in qeyb ahaan mushaharaadkoodi u jaraan si ay uga qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay xubnaha DFS in qeyb ahaan mushaharaadkoodi u jaraan si ay uga qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha

Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay xubnaha DFS in qeyb ahaan mushaharaadkoodi u jaraan si ay uga qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In