Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Cusub ee Wasaarada Caafimaadka iyo gurmadka deg dega ah.
Munaasabada xarig jarka oo ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowlada iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Waa weyn ee wasaaradu u hayso shacabka.
Wasaarada ayaa shaqooyinka muhiim ah kasoo qabatay sanadahii lasoo dhaafay gaarsiinta adeega Caafimaadka ee dhammaan deegaanada Jubbaland iyo sidoo kale xakamayntii xanuunka #COVID19 oo si weyn uga jiray deegaanada Jubbaland.