Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Kenya oo ku boorriyay Midowga Yurub iyo USA iney Soomaaliya ka taageeraan dhismaha ciidamada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Kenya oo ku boorriyay Midowga Yurub iyo USA iney Soomaaliya ka taageeraan dhismaha ciidamada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo Midowga Yurub in ay qeyb ka qaataan oo ay ka caawiyaan Soomaaliya sidii ay u dhisi laheyd ciidamadeeda si ay uga hortagaan khatarta amniga ee ay dalka ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay maalintii Jimcaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield oo booqaneyso Kenya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka Mr. Kenyatta iyo Linda Thomas ayaa lagu xusay in Kenya ay ku boorrineyso dalalka uu Mareykanka kamid yahay in ay xoojiyaan dadaalka dhismaha ciidamada booliiska iyo kuwa militariga ee Soomaaliya si ay gacan buuxda ugu qabtaan nabadda dalka.

Linda Thomas-Greenfield oo iyadina kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Mareykanka ka jawaabay dalab uu madaxweyne Uhuru Kenyatta u gudbiyey Qaramada Midoobey oo ku aaddan in la kordhiyo gargaarka militari ee la siiyo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Mareykanku qaadayo qorshe lagu mideynayo dhammaan dalalka dhinaca militariga ka taageero Soomaaliya si taageeradaas meel la isugu geeyo.

Dowladda Federaalka SOomaaliya ayaa dadaal ballaaran ugu jirta dhismaha iyo tayeeynta ciidamada qalabka sida si ay si buuxda ammaanka dalka ula wareegaan marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Previous Post

Ciidamada ilaalada madaxtooyada Turkiga oo la kala dirayo

Next Post

Madaxweyne Gaas oo bogaadiyey ciyaaraha xiisaha badan ee ka socda Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirrada: Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Ku xigeenkiisa oo la doortay

Madaxweyne Gaas oo bogaadiyey ciyaaraha xiisaha badan ee ka socda Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In