Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada Midowga Yuruv Nicolas Berlanga, Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Taliya Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada ayaa xafiiska kulan kula qaatay wafdiga maanta Baydhabo gaaray, waxaana ay kawada hadleen arrimaha Doorashooyinka, Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed, Xoojinta Amniga xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka COVID-19.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026

Wakiilada ka kala socday beesha Caalamka ayaa bogaadiyey doorka Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ku lahaa qabsoomida shirkii looga hadlayey arrimha doorashooyinka ee u dhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa amaanay dadaallada uu ku bixinayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed wanaajinta xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah horumar iyo Amni

Sidoo kale Wafdiga ayaa kala hadlay Madaxda Koonfur Galbeed sidii loo xaqiijin lahaa amniga goobaha la qorsheeyey inay doorashada ay ka dhacdo.

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen, hanaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kulamadooda, wixii kasoo baxay hanaanka doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan”.

James Swan ayaa hadalkiisa ku daray “Waxaan ku amaanayaa kaalintii uu ku lahaa kulamada Muqdisho iyo kuwii ka horeyey ee Dhuusamareeb looga hadlayey Habsame u socodka Arrimaha Siyasadeed ee Soomaaliya oo Doorashooyinka ugu Horeyso”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey dardargelinta heshiisyadii Muqdisho lagu soo gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda u qabsoomi lahayd.

 

Previous Post

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Tababar La Xiriira Af-Ka Iyo Dhaqanka U Furay 76 Suxufi “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Gobolka Gedo

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Gobolka Gedo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Gobolka Gedo

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In