Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 11, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo wefdi balaaran oo  uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Danjire Nicholas Kay waxaana ay kawada hadleen horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland, la dagaalanka koox diimeedka Ururka UGUS, hiigsiga cusub ee Soomaaliya 2016 iyo guud ahaan Soomaaliya isbadalka lagarabo.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Kullanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholas Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi waxa ka soo baxay.

‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee  Soomaaliya oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana markii todobaad oo uu noo yimaado ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Runtii wada hadalakayagii waxaa uu ahaa mid si fiican u soo dhammaaday, waxaan rajaynaynaa inaanu wada shaqayn dhow yeelano si aan u sii amba qaadno geedi socodka nabada Soomaaliya Insha’allah ”Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Danjire Nicholas Kay ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii yarayd ee uu hogaanka hayey.

Dhinaca kale Danjire Nicholas Kay ayaa Madaxweynaha ku amaanay Guusha ay Puntland ka gaartay  dagaaladii Galgala isagoona ciidanka Puntland ugu hambalyeeyey dhabarjabka xooga leh ee ay u gaysteen koox diimeedka Ururka Al-shabaab.

Sidoo kalana Madaxweyne Gaas ayuu ku amaanay talaabada wanaagsan ee uu dhinaca dimuqraadiyada uu horay u qaaday iyada oo xili dhow gudiga doorashooyinka Puntland lagu dhawaaqi doono, islamarkaana waxaa uu sheegay in UN-ka, EU iyo Hay’addaha kale ee caalamka ee daneeya dhanka dimuqraadiyada ay  ka caawin doonaan Puntland taabagelinta dimuqraadiyada xili dhow oo ku siman bisha afaraad ilaa bisha shanaad, Danjire Nicholas Kay ayaa waxaa uu si buuxda u tilmaamay in dawladda Puntland si dhab ah dhinac walba uga taageeri doonaan.

—DHAMMAAD—

IMG_0002 IMG_0006 IMG_0008 IMG_0015 IMG_0048 IMG_9882 IMG_9887 IMG_9899 IMG_9905 IMG_9907

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”

Next Post

Shirkii Looga Hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay ”SAWIRRO”

Next Post
Shirkii Looga Hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay ”SAWIRRO”

Shirkii Looga Hadlayay Maal-gashiga Soomaaliya oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay ”SAWIRRO”

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In