Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 11, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka hor inta uusan Madaxweynuhu ka qeyb gelin munaasibad balaaran oo loo qabtay daahfurida mashruucaas ayuu kullan xog waraysi ah Xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha wadanka Norway ee Soomaaliya Mr.Patter Holtedahl, kullankaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta mashaariicda ee dawladda Norway ka fuliso Puntland iyo sidii ay NGO -yada wadanka Norway ee ka howlgala Puntland loo dardar gelin lahaa islamar ahaantaana loo kordhin lahaa.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaa Gobolka intiisa kale sidii laysaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada, xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqalaaha.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweynaha ayaa islamaanta gelinkii hore ka hor intaanu ka qeyb gelin xafladii daahfurka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo sidookale Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Kullanka kadib ayaa Madaxweynaha iyo danjirayaashu ay si wadajir ah hoolka Wasaarada Caafimaadka ee Dawladda Puntland ugu fureen Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Xafladda lagu daahfurayey Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , Isimo, Waxgarad, Aqoonyahano, Maamulka Gobolka Nugaal , Maamulka Degmada Garoowe, masuuliyiin ka socday Hay’adda wadooyinka Puntland iyo marti sharaf  kale.

” Wadadaan waa mida keliya ee isku kaaya xiraysa anaga iyo inbadan oo Soomaaliya kamid ah, mashaariicda hada aanu dalka ka wadno oo hirgelaya ayuuna kamid yahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in mashruucaan faa’iido weyn ugu jiro shacabka reer Puntland, waxaana ku baxaya dhaqaale dhan 21-million, 18-million oo kamid ah lacagtaas waxaa bixinaya midowga yurub halka 3-million oo kalana ay bixinayso Dawladda Jarmalka, waxaana fulinaya mashruucaan Hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka GIZ.

” Hadaanu rabno in aanu xooga saarno wax soo saarkayaga sida maalgashiga dhanka xoolaha, maalgashiga dhanka beeraha, Kalluumaysiga waxaasi ma hirgelayaan mana soconayaan hadaan la helin kaabayaasha dhaqaalaha isku xiri lahaa ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Saaxiibadayada caadaystay oo afmiishaarnimo darbiyada la fadhiya dawladda yaysan ku mashquuline haku mashquulaan wax soo saar, horumar iyo dawladnimo ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ambassadorka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke ayaa dhankiisa balan qaaday in dawladda Jarmalka ay sii laba jibaarayso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan gudaha Puntland.

” Midowga yurub iyo Dawladda Jarmalka waa saaxiibada Dawladda Puntland ” Ayuu hadalka ku soo gebagebeeyey Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke oo markii ugu horaysay Puntland booqasho ku yimi.

Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso ayaa isna dhankiisa sheegay in Midowga yurub ay ka go’antahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland, mashruucaana uu sidii loogu talagay u fulayo.

—DHAMMAAD—

IMG_9633 IMG_9640 IMG_9646 IMG_9699 IMG_9705 IMG_9707 IMG_9709 IMG_9710 IMG_9711 IMG_9716 IMG_9721 IMG_9722 IMG_9728 IMG_9730 IMG_9731 IMG_9733 IMG_9734 IMG_9740 IMG_9741 IMG_9747 IMG_9752 IMG_9757 IMG_9761 IMG_9763 IMG_9764 IMG_9771 IMG_9774 IMG_9777 IMG_9783 IMG_9784 IMG_9787 IMG_9789 IMG_9800 IMG_9802 IMG_9807 IMG_9810 IMG_9821 IMG_9831 IMG_9836 IMG_9848 IMG_9859 IMG_9873

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya”SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In