Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii danbe ee shalay waxa uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulkaas, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, horumarka dhaqaalaha, iyo sidoo kale sidii si wada jira ah looga shaqeyn lahaa midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, si dalka looga samata bixiyo xaalada kala guurka ah ee uu ku jiro.

Madaxweynaha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyay gudoomiha Gobolka Barri, mudane Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo”, Duqa degmada Bosaaso Egn. Yasiin, Ku xigeenkiisa iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada maamulka Puntland.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Mudane Cabdiwali Cali Maxamed “Gaas” ayaa kulanka intii uu socday waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyey dhamystirka wejiga labaad ee garoonka diyaaradaha ee magalada Bosaaso, balaarinta dekeda magalada Boosaaso, mashruuca biyo gelinta ee magalada Bosaaso, dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garoowe-Gaalkacayo iyo garoonka diyaradaha ee magalada Garoowe oo heer gebogebo ah maraya.

Dhanka kale, Isimadii, cuqashii, waxgaradka iyo aqoon yahannadii kulanka ka qeyb gashay ayaa dhankooda waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen kulanka xog warranka ah ee ay madaxweynaha la yeesheen, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada horumarka iyo midnimada ka hanaqaaday deegaannada maamulka Puntland.

Ugu danbayn madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isimadii, cuqashii iyo waxgaradkii kulan ka kasoo qayb galay uga mahad celiyey ka soo qayb galka kulanka waxa uuna kula dardaarmay in la xoojiyo ahmiyada ay leedahay xasiloonida, nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo looga baxo gaajada iyo abaaraha baahsan ee ka jira qaarka ka mid ah deegaannada Maamulka Puntland.

img_9347

img_9357

img_9362

img_9366

img_9385

img_9399

img_9403

img_9437

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke “Ciidanka Hiil Walal waxa ay dhiigoodda u hureen sidiii ay Cadowga argagaxisada al-shabab ay kaga xorayn lahayeen Soomaaliya “.

Next Post

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay Dagan

Next Post
Xaalada magaalada Gaalkacyo oo saakay ah mid dagan.

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay Dagan

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In