Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii danbe ee shalay waxa uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulkaas, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, horumarka dhaqaalaha, iyo sidoo kale sidii si wada jira ah looga shaqeyn lahaa midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, si dalka looga samata bixiyo xaalada kala guurka ah ee uu ku jiro.

Madaxweynaha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyay gudoomiha Gobolka Barri, mudane Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo”, Duqa degmada Bosaaso Egn. Yasiin, Ku xigeenkiisa iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada maamulka Puntland.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Mudane Cabdiwali Cali Maxamed “Gaas” ayaa kulanka intii uu socday waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyey dhamystirka wejiga labaad ee garoonka diyaaradaha ee magalada Bosaaso, balaarinta dekeda magalada Boosaaso, mashruuca biyo gelinta ee magalada Bosaaso, dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garoowe-Gaalkacayo iyo garoonka diyaradaha ee magalada Garoowe oo heer gebogebo ah maraya.

Dhanka kale, Isimadii, cuqashii, waxgaradka iyo aqoon yahannadii kulanka ka qeyb gashay ayaa dhankooda waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen kulanka xog warranka ah ee ay madaxweynaha la yeesheen, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada horumarka iyo midnimada ka hanaqaaday deegaannada maamulka Puntland.

Ugu danbayn madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isimadii, cuqashii iyo waxgaradkii kulan ka kasoo qayb galay uga mahad celiyey ka soo qayb galka kulanka waxa uuna kula dardaarmay in la xoojiyo ahmiyada ay leedahay xasiloonida, nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo looga baxo gaajada iyo abaaraha baahsan ee ka jira qaarka ka mid ah deegaannada Maamulka Puntland.

img_9347

img_9357

img_9362

img_9366

img_9385

img_9399

img_9403

img_9437

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke “Ciidanka Hiil Walal waxa ay dhiigoodda u hureen sidiii ay Cadowga argagaxisada al-shabab ay kaga xorayn lahayeen Soomaaliya “.

Next Post

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay Dagan

Next Post
Xaalada magaalada Gaalkacyo oo saakay ah mid dagan.

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay Dagan

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In