Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Madasha Wadatashiga Qaran waa fursad ay shacabka ku go’aaminayaan mustaqbalkooda siyaasadeed’’+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Madasha Wadatashiga Qaran waa fursad ay shacabka ku go’aaminayaan mustaqbalkooda siyaasadeed’’+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo sannadka 2016-ka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgaley madaxda maamullada gobollada ee Jubba, Galmudug, Puntland , Koonfuur Galbeed Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, ururrada bulshada, wakiillada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyay Madaxweynaha, ayaa waxaa uu shacabka ku xusuusiyey in tani ay tahay fursad muhiim ah oo ay kaga tala bixin karaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

“Madasha Wadatashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeena dowlad dhisidda ee aan muddo soo wadney. Waxaan idin sheegayaa in ka hor inta aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada aan muddo saddex maalmood ah ku jirney wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeena. Maantana waxaan halkan u joognaa inaan aaraadiina dhegeysano, talo isku darsano, aan faaqidno talooyinkii laga soo uruuriyay shacabka labadii bilood ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina aan qaadano talo mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in kulamada noocaan ahi ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay, aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo horumar.

“Inagoo wadajirna ayaan horumar ku gaari karnaa. Waddankeena dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo marey. Ma dooneyno in xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeena. Waxaan u baahanahay inaan la imaanno is-cafin, wada noolaansho, iyo inaan abuurno jawi nabadeed oo naga saara cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira. Waa dhab inaan wajahayno amaba aan dhammaanteen wada dooneyno inaan qaadano nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horey loo tijaabin. Waa inaan cabsida iyo shakiga meel iska saarnaa, lana imaanaa geesinimo aan ku wajahno mustaqbalkeena, waana hubaal inaan guuleysaneyno, inagoo wadajirna oo ummad mid ah’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku xusay in hannaankan socdaa uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.

“Beesha caalamka iyo waddamala kale ee ina taageeraya kaalintooda waa fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala duwan ee dalka ay ka dhacaan kulamo wadatashi ah oo shacabka fikradahooda lagu dhegeysanayo. Fikradahaasi kala duwan ayaa lagu dhisi karaa hannaan dimoqraadiyeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa Ilaahay mahaddii in safar dheer kadib aan maanta soo gaarney meel muhiim ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aaminayaan, talana ay ku leeyihiin’’, ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu u mahadceliyay beesha caalamka, kaalinta ay ka qaadatey fududeynta wadatashiyadan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga faa’iideystaan taageerada beesha caalamka ee dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, madaxda maamul goboleedyada, diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiin kale.

2 3 4 5 6 7 8 9 unnamed

Previous Post

Haweeneydi ugu horeysay oo ku guuleysatay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka Sucuudiga

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In