Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib booqashooyin uu ku soo kala bixiyey dalalka Boqortooyada Sacuudiga, Jamhuriyadda India iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku bilaabay Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud iyo madax kale. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda ku gaarey heshiisyo dhowr ah oo iskaashi, oo ay ka mid tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xirfadaha kala duwan leh ay shaqooyin ka helaan dalka Sacuudiga.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Go’aankan waxaa uu Soomaaliya kala mid dhigaya waddamada kale ee horay Sacuudiga heshiiska uga dhexeeyay ee muwaadiniintooda ay sida sharciga ah uga xoogsadaan Sacuudiga.Waxaana meesha ka bixi doonta dhibaatooyinkii ay Soomaalida dalkaasi kala kulmi jireen ee dhinaca sharciyada shaqada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tagey magaalada New Delhi, halkaas oo uu kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 3-aad ee waddamada Afrika iyo India ee dhinaca iskaashiga dhaqaalaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kadib tegey magaalada Abu Dhabi, caasimadda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu maanta ku dhagax dhigey dhismaha safaaradda cusub ee Soomaaliya ku leedahay dalkaasi, kaas oo dhismihiisa ay maalgelineyso dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.

Previous Post

AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

Next Post

DEG DEG-Xisbiga Caddaaladda iyo Hormark ee Dalka Turkiga oo guulo ka gaaray doorashada Dalkaas.

Next Post
DEG DEG-Xisbiga Caddaaladda iyo Hormark ee Dalka Turkiga oo guulo ka gaaray doorashada Dalkaas.

DEG DEG-Xisbiga Caddaaladda iyo Hormark ee Dalka Turkiga oo guulo ka gaaray doorashada Dalkaas.

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In