Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgaley kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay Urdun

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgaley kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay Urdun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo arrimaha amniga iyo argagixisada looga hadlayey.

Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda ka soo qeybgashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi sare oo ka socda dalalka Kenya, Tanzania, Masar, Mareykanka, Canada, Yurub, Qaramada Midoobay, IGAD iyo ururro kale oo caalami ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey isku-dubbaridka, wadatashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya caalamka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxaa shirkan intii uu socday si gaar ah looga hadley arrimaha Soomaaliya, sida looga taageeri karo la dagaalanka argagixisada, taas oo sal u noqon karta nabadgelyo iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale oo uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Boqor Cabdalla , kulankaas oo ay ku gorfeeyeen dadaallada caalamiga ee socda ee looga hortagayo khatarta argagixisada gudaha iyo kuwa caalamka isaga goosha, iyo guud ahaan arrimaha caalamka.

Boqor Cabdalla ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisa uu taageero buuxda ee dhinaca amniga ah la garab taagan yahay Soomaaliya.

Shir madaxeedkan gaarka ah ee ka dhacay Aqaba ayaa ah kii labaad, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij uu horkacayo Boqor Cabdalla oo ujeedkiisu yahay in xiriir joogto ah iyo iska warqab dhow uu dhexmaro waddamada caalamka si looga wadatashado arrimaha la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatey qaar ka mid ah madaxdii iyo mas’uuliyiintii kale ee shirkan ka soo qeybgaley.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka Ee Baqdaad “SAWIRRO”

Next Post

Abaanduulaha ciidanka XDS oo kormeeray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe+Sawirro

Next Post
Abaanduulaha ciidanka XDS oo kormeeray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe+Sawirro

Abaanduulaha ciidanka XDS oo kormeeray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In