Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka Ee Baqdaad “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka Ee Baqdaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay Soomaaliya uga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirkaasi.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Ciraaq waxaana isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq khudbado ay shirka ka jeediyeen wadajir ugu soo dhaweeyeen wufuudda ka socota dalalka Iskaashiga Islaamka Baqdaad iyo guud ahaanba dalka ciraaq ayagoo sidoo kalena ka hadlay muhiimadda ay dowladda Ciraaq u leedahay marti gelinta shirkan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey shirka ay u mahad celiyey dowladda iyo shacabka Ciraaq sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaana dhanka kale uu khudbaddiisa oo aheyd af Carabi uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda ay oo ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PIUC ayaa soo gebageboobi doona maalinnimada khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25ka January ayadoo gebagebadiisana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii shirka looga hadlay.

Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (1) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (2) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (3) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (5) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (7) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (8) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (9) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (10) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (11) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (12) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (13) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (14) Gud Jawaari Shirka PUIC Baghdad (15)

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo soo gaaray Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgaley kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay Urdun

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgaley kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay Urdun

Madaxweynaha oo ka qeybgaley kulan madaxeed gaar ah oo ka dhacay Urdun

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In