Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey guddigii dhowaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka KMG ee Jubba inay dardar geliyaan hawshooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cumar Sharma’arke ay horey maamulka Jubba uga wadahadleen xalinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye, looga baahan yahay shacabkeeda inay la yimaadaan isku tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore.

“Aniga iyo mas’uuliyiinka kale ee dowladda iyo baarlamanka waxaan isku aragti ka nahay dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo fulinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016. Dhismaha maamullada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeena, caqabad walba oo la soo gudboonaatana waxaa naga go’an in wadahadal lagu dhammeeyo, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

DHAMMAAD

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Odowaa “Qabsashada Dhuusa-mareeb waa mid lagu hagar-daameynayo dhisamaha maamulka gobollada dhexe”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Wasiir Odowaa “Qabsashada Dhuusa-mareeb waa mid lagu hagar-daameynayo dhisamaha maamulka gobollada dhexe”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u hambalyeeyey wakiilada Xildhibaanada ah...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) iyo Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In