Sunday, November 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo xiray shirki Qaran ee looga hadlayay horumarinta dowladaha hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo xiray shirki Qaran ee looga hadlayay horumarinta dowladaha hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sooo xirey shir looga hadalyay hanaanka qaran ee dowladaha hoose kaasoo muddo Sadex maalmood ah ka socdey magalada Muqdisho, Iyadoo  Madaxweynaha  dhankale kalena uu ka  Hadley dagaalka puntlnad ay kula jirto argagixisada Shabaab.

Shirkan uu soo xeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay so qaban qaabisay wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa Maalmihi uu socday waxa diiradda Lagu saaray Horumarinta Dowladaha Hoose waxaana lagu soo bandhigay Barnaamij loogu Magacdaray Wadajir.

Related posts

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025

Intii uu socday Shirkan wax ka qeyb galay wafuud ka socotay Dowlad Gobleedyada iyo Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaardfa Arimaha Gudaha Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Gundhigga shirkan uu ahaa yagleelidda Dowlado hoose oo Awood leh.

“Waxa Gundhigga Barnaamijkan uu ahaa in la helo Hanaan Qaran oo lagu Yagleelayo Dowladda Hoose oo loo dhan yahay kaasoo waafaqsan Dastuurka ku meel gaarka ee dalka” ayuu yiri Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaardfa Arimaha Gudaha Prof. Yaxye Cali Ibraahim.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ismaaciil Macali Guure Wasiirka Arimaha Gudaha ee Galmudug Jaamac Xasan Salaad iyo wasiirka arimaha Gudaha Koofur galbeed Cabdiraxmaan aadan Ibraahi ayaa ka hadlay Ahmiyadda uu laha shirkan, iyagoo ku tilmaamay shirkan mid loo baahnaa.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka hadlay meelaha uu taabanayo Barnamijkan ayaa yiri, “Qorshahaasi waxa uu isagu jiri doonaa maamul Dhisidda Dib u heshiisiinta Nabad Dhisadda wada hadalka Bulshada iyo wacyi gelinta, mashaariicda  NGO-yada iyo Hay’adaha caalamiga ah, waxa uu siinaya Qorshe ay raacaan waxa uuna taageeraya in dowlad Goboleedkasta dagmada kasta in lala socda waxa ka socda iyo sida ay u socdaan”

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” waxa uu tilmaamay in barnaamijka wadajir haddii la hirgaliyo uu xoojinayo Dowladnimada.

“Barnaamijkan wadajir waa mid aad iyo aad u fiican wa xaqiijinta Dowladnimada haddii la hirgaliyo wuxu fududeeynayaa in dadka la gaarsiiyo dowladda ilaa heer Tuulo iyo dagmo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”

Madaxweyne Xasan Shiiq oo soo xiray Shirka hanaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ayaa tilmaamaay in dhismaha Horumarka dalka uu ku xiranyahay Dowlad Hoose oo Xoogan.

“Hadaan dalka Horumarinayno waa inaan xoogga saarna Horumarinta Dowladaha Hoose maaha kaliya inaan magaca ka dhisno waa inaan dadka ka dhisna dadka Soomaaliyeed waxaan ugu dardaarmaya inay doortaan dadka kuwa ugu fiican maaha kaliya qofkii ugu xooggan laakin waa in la doortaa kuwa ugu aqoonta badan ugu amaanada fiican bulshada” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha  ayaa dhinaca kale qudbadiisa uga hadlay Dagaalka Ciidamadda Dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ay kula jiraan Argagaxisada Shabaab.

“Dagaalka ka socda Garmaal iyo deegaannada Puntland wan ku Garabtaaaganahay Bulsha iyo dowlada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale  ka hadlay Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka  isagoo dagdag ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in loogu Gurmado dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

 

 

Previous Post

Ururadda Bulshada rayidka oo kulan ku yeesha Muqdisho

Next Post

Afar qofood oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Istambul ee dalka Turkiga

Next Post
Afar qofood oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Istambul ee dalka Turkiga

Afar qofood oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Istambul ee dalka Turkiga

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaasi oo sanadkan si gaar ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In