Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay hannaanka doorashada, amniga iyo arrimo kale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha dalka oo kahadlay caqabadaha hortaagan dalalka qaaradda Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 11 October 2016 (Villa Somalia)—-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatey wakiilada beesha caalamka u jooga dalka.

Kulankan ayaa looga hadlayey dar-dar gelinta hannaanka doorashada, dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle iyo xiisadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiilada beesha caalamka uga waramey horumarka laga sameeyay hannaanka doorashada, dadaalka xaqiijinta qoondada haweenka iyo in doorashada ay ku dhacdo waqtiga loogu talagaley.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wakiilada uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan idin ku wargelinayaa in horumarka laga sameyeeyay dhismaha maamulka HirShabeelle ay ka tarjumeyso sida ay inooga go’an tahay hirgelinta nidaamka federaalka iyo baahinta xukunka. Maadaama dib u heshiisiintu ay tahay mid mar walba muhimadeeda leh, waxaan qabaa in cid walba oo ka maqan amaba wax tabaneysa ay ku biirto hannaanka socda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga waramay wakiilada beesha caalamka xiisadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo inay lagama maarmaan tahay in isla xisaabtan dhab ah lala yimaado, lagana shaqeeyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii sannadkii hore ay wada saxiixeen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Wakiilada beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay horumarka lagu tallaabsadey, iyagoo ku baaqay in la dhowro hannaanka doorashada, qoondada haweenka iyo jadwalka doorashada.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku baaqay in la xaqiijiyo in hanaankaasi uu noqdo mid loo wada dhan yahay.

Previous Post

Jarmalka oo Saldhig Ciidan ka samaysanaya Niger

Next Post

Daawo Sawirada Wafdigii uu ka mid ahaa gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee Cadaado gaaray.

Next Post
Daawo Sawirada Wafdigii uu ka mid ahaa gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee Cadaado gaaray.

Daawo Sawirada Wafdigii uu ka mid ahaa gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee Cadaado gaaray.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In