Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si ramsi ah waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomiyah Carlo  Campalina oo baddelaya safiirkii hore ee Jamhuuriyadda dalka Talyaaniga, madaxweynaha ayaana soo dhoweeyey safiirka cusub.

Related posts

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026

Madaxweynaha iyo  safiirka ayaa kulan wada qaatay, waxaana kala qeyb-galay wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, mudane Axmed Cali Kadiye, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa, maadaama dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah, waxaa  la isku soo qaadey  in la ballaariyo taageerada dowladda Talyaaniga oo ay dalka ka fuliyaan maashaariic cusub oo dhanka maalgashiga ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga sida ay u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha looga hadlay ay ugu muhiimsaneyd in safiirka cusub  shaqadiisa lagu gacan siiyo dowladda Talyaanigana ay sii waddo ka qeyb-galka horumarka Soomaaliya.

Danjire Carlo  Campalina, Danjiraha cusub ee dowladda Talyaaniga u soo dirtay Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiisa Soomaaliya, mahad ballaaranna uu u hayo, madaxweynaha dowladdiisa iyo shacabkiisa, dhowaanna uu bilaabi doono howlgalkiisa ku aaddan horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyihii hore Bangiga Horumarinta Islaamka oo shaqada ka fariistay

Next Post

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayedka ah oo Maanta la doortay

Next Post
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayedka ah oo Maanta la doortay

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayedka ah oo Maanta la doortay

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula...

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In