Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Belgium

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Muden Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqadaha aqoobsiga danjinimo ka guddoomay Mss  Roxane De Bilderling oo ah safiirka cusub ee boqortooyada Belgium-ka u soo magcaabdey Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo safiirka boqotooyada  Mss  Roxane, ayaa kulan ay wada qaateen waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo in dowladda boqortooyada Belgium Soomaaliya ka taageerto arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, dhismaha heyádaha iyo amniga dalka sidii wax looga qaban lahaa.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha looga hadlay dhammaantood la isku afgartay, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Belgium ka dhaxeeyo uu yahay mid dheer.

Sidoo kale danjiraha cusub ee boqortooyada dalka Belgium Roxen, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan la dagaallanka argagixisada dowladda Belgium-kuna ay ballan-qaadeyso in ay fuliso waxyaabaha laga hadlay oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dowladda Belgium uga tacsiyeeyey weerarradii argagixiso ee laga geystay garoonka diyaaraha caasimadda Belgium, iyadoo dhambaal la mid ah kaasna ay boqortooytada Belgium soo gaarsiisay madaxweynaha  oo ay uga tacsiyeynayaa weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday hotel Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.

 

Previous Post

Turkiga iyo Israel oo heshiis gaaray

Next Post

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro

Next Post
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday xeryaha Dhadhaab-Sawirro

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

March 30, 2026
0

The Federal Government of Somalia has long sought to address the concerns of the South West State through measures intended...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In