Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo warqadihii  ka guddoomay danjiraha cusub ee Russia-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo warqadihii  ka guddoomay danjiraha cusub ee Russia-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee waddanka Xiriirka Russia wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr Sergey Kuznetsov.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Danjire Kuznetsov, isla markaana Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhoweyneysaa tallaabadan ay Russia dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaana filayaa inaan iska kaashan doono dhinacyada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, waxbarashada, dhaqanka iyo in xukuummada Moscow ay gacan ka geysato dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Sergey Kuznetsov ayaa dhankiisa sheegay inuu si weyn u daneynayo xoojinta xiriirka labada dal, shirkadaha ganacsiga ee Russia-na ay diyaar u yihiin inay maalgashadaan kana qeyb qaataan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa uu danjiraha sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka dhanka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu danjiraha ka codsadey inuu salaam diiran ka gaarsiiyo Madaxweynaha Xiriirka Russia, Vladimir Putin.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka haa Wasiir Ku- Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye, Wasiirk Ku-Xigeenka Gaashaandhigga, iyo mas’uuliyiin kale.

Dowladda Russia, ayaa dal Soomaaliya xiriir aad u wanaagsan uu kala dhaxeyn jirey xilligii Soomaaliya uu ka talin jirey madaxweynihii geeriyooday Allah u naxariistee sareeyo gaas Maxamed Siyaad Barre, iyadoo Ruushka lagu xasuusto sida uu u qalabeeyay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

1 14 25 100 200 222 22220 unnamed

Previous Post

Kulan looga hadlayay horumarinta adeegyada bulshada oo Galkacyo lagu qabtay-Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha baarlamaanka oo Kampala ka furay kulan howleedka diyaarinta qorshayaasha golaha ee kalfadhiga 8aad “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha baarlamaanka oo Kampala ka furay kulan howleedka diyaarinta qorshayaasha golaha ee kalfadhiga 8aad “Sawirro”

Guddoomiyaha baarlamaanka oo Kampala ka furay kulan howleedka diyaarinta qorshayaasha golaha ee kalfadhiga 8aad “Sawirro”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In